Ra’iisul wasaaraha dalka oo faray hay’addaha amniga inay furaan isgoyska Dabka

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’addaha amniga inay furaan isgoyska Dabka oo xalay la xiray.
Ra’isul wasaare Rooble oo bartiiisa faceboka ku daabacay qoraal ayaa faray hay’addaha amniga inay si deg deg ah ufuraan wadada danka.
Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada.