Dowladda Soomaaliya Ayaa Hakisay Xaadirinta Shaqaalaha Dowladda .

Muqdisho (Ilayska Dalka) 17.02.2021 : warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa lagu sheegay in la hakiyay xaadirinta shaqaalaha dowladda si looga hortago faafitaanka covid-19 oo markale kasoo labo kacleeyay gudaha dalka.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa tixgelin buuxda siinaysa fayadhowrka, badqabka iyo caafimaadka dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha rayidka ah. Sidoo kale ayaa wasaaradda ayaa waxay tixgelisay go’aankii golaha wasiirada ee howshani quseyso yeesheen 16kii bishan, kaasi oo looga hadlayey ka hortagga laba kaclaynta CONVID19 iyo maareyntiisa.

 

Sidaa darted ayaa wasaaradda waxay ogaysiinaysaa dhammaan hayadaha dowladda laga bilaabo 16.02.2021 in shaqaalaha la yareeyo isu maatankooda ayna ku shaqeeyaan guryahooda iyaga oo adeegsanaya barahooda mareegta. Iyo sidoo kale agaasmayaasha intii aan laga maari karinna yimaadaan goobaha shaqada si loo yareeyo faafidda cudurka.