Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo soo saaray go’aano lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano la xariira faafitaanka cudurka Covid-19 si loo ilaaliyo badqabka shaqaalaha Hey’adaha Garsoorka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee adeega u doonta xarumaha garsoorka.

Dhammaan howlwadeenada garsoorka, ciidamada amniga, qareenada iyo shacabka adeega caddaalada u soo doonta Hay’adaha garsoorka dalka ayaa la faray in ay xirtaan Af-saabka (Mask) ilaaliyaana kala fogaanshaha iyagoo isku jirsanaya ugu yaraan labo talaabo.

 Halkaan Hoose ka Akhriso go’aanada la xiriira faafinta Cudurka Covid-19:-