Shirkadaha Diyaaradaha qaar oo duulimaadyadooda rasmiga ahaa dib u bilaabay+Sawirro

Waxaa dib u bilaabay duulimaadyadooda rasmiga ahaa shirkadaha diyaaradaha Turkish Airline, Ethiopian Airways iyo Uganda Airline kuwaasoo hakiyay duulimaadkooda Garoonka Aadan Cadde Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka Cabdullaahu Salaad Oomaar oo ku sugan Garoonka ayaa  lagu wadaa inuu ka hadlo dib u howlgalka shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Dalalka Turkiga, oo Aasiya iyo Yurub ah iyo Wadamada Sida Uganda iyo Ethiopia.

sidoo kale waxaa si caadi ah u socda Duulimaadyada ay Muqdisho ku imaanayaan diyaaradaha Djibouti Air, Hala Airlines, Daalo iyo diyaaradaha hay’adaha caalamiga ah sida WFP, UN.