Faadumo Cali Nakruuma oo ku geeriyootay Muqdisho

Allah ha u naxariisto waxaa isbitaalka Martiini Cudurka Covid-19 ugu geeriyootay Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Hobollada Qaranka Waabari.

Faadumo Cali Nakruuma ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2018-kii, dalka dib ugu soo laabatay,maadama ay qurbaha ku nooleyd tan iyo markii dagaallada sookeeye ay Xamar ka billowdeen sanadkii 1991-kii.

Nakruuma waxay fanka Soomaalida ku soo biirtay bartamihii lixdanaadkii, waxayna muddooyinkii dambe ka mid ahayd Haweenka nabadda u ololeeya.