Ciidanka Xoogga oo la wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa cagta mariyey fariisimo kooxaha Khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaano dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo gabbaad u ahaa kooxaha argagixisada Al-Shabaab ,kuwaas oo kala ah Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo ay ka soo abaabuli jireen falal khalkhal ku ah amniga.

Taliyaha Guutada 15-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaan ayaa tilmaamay in ciidamadu ay wali kusii raad joogaan firxadka argagaxisada laga ceyriyay deegaanadaasi,isagoo intaa raaciyay in gebi ahaan la soo afjari doono doono goobaha ay wali kusii dhuumaaleysanayaan.