Maamulka degmada Gaalkacyo oo wado olole lagu soo celinaayo bilicda magaalda Gaalkacyo.

Olalahan oo qeyb ka ahaa bur burinta dhismayaasha sharci darada ah oo uu maamulka dagmada Galkacyo eeĀ  Galmudug usoo bilaabay 6dii bishii maarso ee sanadkan ayaa saaka maamulka dagmada Galkacyo waxa ay ka sameeyeen xaafada Horseed ee magaalada Gaalkacyo.

Howlgalka bur burinta maanta ayaa intii uu socday waxaa lagu bur buriyay dhismayaal si sharci dara ah looga dhistay wadooyin ku yaalay xaafada Horseed iyadoo sidoo kalana lagu furay 4 wado oo xirnaa kuwaas oo dhibaatooyin dhanka marida ah lagu qabay.

Gudoomiyaha xaafada horseed ee magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Axmed Cabdi Goobe ayaa intii ay socdeen howlgalada uga warbixiyay warbaahinta qaranka isagoo dhanka kalana shacabka faray in ay u hogaansamaan awaamiirta maamulka.

Agaasimaha waaxda arimaha bulshada maamulka dagmada Gaalkacyo Muxyadiin Samatar Sheekeeye ayaa isna uga mahad celiyay shacabka galkacyo garab istaaga maamulka ee ku Aadan qorshaha hagaajinta iyo dib usoo celinta magaalada Gaalkacyo

Sidoo kale Gudoomiyaha dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa intii uu socday howlgalka hagaajinta bilicda magaalada ayaa kormeeray sida ay usoo socoto howshu.