Taliska Ciidanka Xoogga oo sheegay in tiro badan oo argagixiso ah lagu dilay Gobolka Sh/Hoose

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi oo Goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay dagaalkii saaka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle  lagu dilay 76 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab isla markaana ku dhawaad 10 maxaabiis ah oo qaar dhaawac yihiin ciidanku gacanta ku hayaan.

Taliye Biixi  waxaa uu intaas ku daray in jabkii ugu xooganaa ebed lagu gaarsiiyey Argagixisada Al-shabaab dagaaladii maanta dhacay.

Kooxda Al-shaab ayaa saqdii dhexe ee xalay werar gaadma ah kusoo qaaday deegaanadda Bariiri iyo Awdheegle hase ahaate Ciidamada Xoogga gaar ahaan kuwa Gor-Gor iyo 14-ka octobar ayaa qasaaro xoogan gaarsiisay isla markaana fashilayay weerarkii ay soo qaadeen.