Qoysas ka soo barakacay Argagixisada Al-Shabaab oo xaalad adag wajahayo

Muqdisho-Boqolaal qoys oo ay kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab ku qasabtey in ay isaga tagaan deegaanadii ay ku noolayeen ee koonfurta gobolka Mudug iyo bariga Galgaduud ayaa bilihii ugu dambeeyay xaalad nolol xumo oo aad u adag kuwajaha Xaafado ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb oo ay soo maciin bideen.

Qoysaskan oo aan heysanin hanti iyo hooy toona ayaa badankood dulsaar ku ah reero kale waxayna iminka dalbanayaan in gacan laga siiyo sidii ay bisha Ramadaan ee nagu soo fool leh u heli lahaayeen afurin iyo Kaalmo dhinac walba ah.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqoroow oo booqdey qoysaskan ayaa ugu baaqey ummada muslimka ah iyo cid kasta oo caawin karta in ay lasoo gaarto Kaalmo fadliga bisha Ramadaan aawgeed.

Qoysaskan oo Argagaxisada Alshabaab ay ku qasbeen in ay caruurtooda soo warerjiyaan si ay ugu adeegsadaan gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa taasi ka doorbidey in ay isaga soo tagaan xoolihii ay dhaqayeen iyo noloshii ay ku heysteen Deegaanada ku dhow Degmada Xarar-dheere ee Gobolka, waxa ayna iminka rajeynayaan in laga caawiyo culeesyada heysta gaar ahaan taakulada ay filayaan bisha Ramadaan