Duqa Muqdisho: Argagixisadu waxay si bareer ah uga soo horjeedaan nolosha iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka tacsiyadeeyay Qaraxii xalay ka dhacay degmada Shangaani.

Inaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi Raajicuun.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish oo ka tacsiyadeenaya Falkii Caawa ka dhacay Degmada Shangaani ayaa yiri.

“Anigoo ku hadlaayo Magaceeyga, kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar waxaan tacsi tiiraanya leh u diraaya Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkii Bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo kutaala degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaaya in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay Musiibadaasi”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu yiri.

“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxa ay si bareer ah uga soo horjeedaan nolasha iyo horumarka umada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga”.