Meydadka 75 kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab oo la soo bandhigay

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Awdhiigle ee gobolka Sh.hoose ka tirsan ayaa soo bandhigay meydadka 75 kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab kuwaas oo looga dilay weerar ay isku dayeen inay shalay ku qaadaan fariisimo ciidanku halkaas ku leeyahay.

Tiro kale oo badan ayaa dhanka kale looga dilay Bariire, kuwaas oo la rajaynayo in saacadaha soo socda la soo bandhigo.

Alshabaab ayaa dharbaaxo aysan ka soo waaqsan karin kala kulmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.