Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb galay buugga tacsida Allaha u naxariistee Marxuum Nabadoon Maxamed Aadan Rooble

Buuga tacsida Rabi ha u naxaristee Nabadoon Maxamed Aadan Rooble Xuud ayaa maanta ka furmay magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, waxaana uu Nabadoonka ka mid ahaa saxiixayashii Maamulka Galmudug oo si weyna looga yaqaanay degaannada Galmudug, gaar ahaan kaalintii uu kulahaaa Nabadeynta iyo ka shaqeynyta xasiloonida deegaannada Galmudug oo dhawaan ku geeriyooday Guriceel

Gogoasha Tacsida waxa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboledka Galmudug,  Maamulada Samareeb iyo Guriceel, Waxgard uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur iyo xubno kale.

Guddoomiyaha magaalada Guriceel Farxaan Cabdi Macalin oo furay buugga Tacsida ayaa ka hadlay doorkii Nabadoonku kulahaa nabadeenta, wuxuuna dadka ka soo qeyb galay kulanka ka codsaday in loo duceeyo.

Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf  Xeefow iyo Xildhibaan Cibaado Shiino oo goobta ka hadlay oo sheekeeyay tariikhda Marxuumka ayaa waxa ay ku sifeeyeen in uu ahaa Nabadoon ka baxay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug.

Qaar ka mid ah waxgardaka iyo cuqaasha ayaa u duceeyay Marxuumka, waxaana ay Alle uga baryeen inuu janadiisa ka waraabiyo.

Ugu dambeyn waxaa kulanka tacsida ka hadlay Duqa Caasimda Galmudud ee Samareeb iyo  Wasir ku-xigeenka Wasaarada Dhirta iyo Daaqa Galmudug, oo sheegay inay ka qeyb qaadanayaan tacsida Nabadoon Maxamed Aadan Rooble.