Faa’iidada maalgashiga iyo sare u qaadidda ganacsiga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Si loo helo kabac dhaqaale iyo ganacsi horumarsan, isla markaana dhamaan bulshada u furan  in ay doorkooda ka qaataan  ayaa  lagu qabtay qabtay magaalada Gaalkacyo kulan  ay soo agaasintay shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa shirkadda iyo wakiilada u fadhiya deegaannada Galmudug iyo sidoo kale waxgarad ganacsato iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Galmdug.

Wakiilka shirkadda Dahabshiil ee Gobalka Mudug ee Galmudug Cabdullahi Axmed Faarax iyo agaasime ku-xigeenka Waaxda ganacsiga ahna madaxa suuq geynta iyo xirrirka dadweynaha Axmed Ciise Xaaji ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedka soo bandhigidda saami ka noqashada shirkada SOMTEL

Intaas kaddib waxaa ganacsatadii iyo waxgardkii ka qeyb galay kulanka ay bogaadiyeen qorshaha ay soo bandhigtay shirkadda oo ay sheegeen in wax weyn uu kusoo kordhin karo sare u qaadidda ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha ganacsatada yar yar ee dalka.

Ugu danbeyn waxaa kulanka soo xiray Maareeyaha Guud ee shirkadda SOMTEL Cabdiraxmaan Isaaq Cali oo sharaxaad ka bixiyay qaabka saamiyada shirkadda soo bandhigtay looga faa’iideeysan karo.