Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay kulan loogu duceynayay dhallinyaradii dhawaan lagu xasuuqay Shangaani

Kulankaan oo ahaa Duco iyo Qur’aan akhris loo sameynayay 12 dhallinyaro cayaartooy ah oo lagu laayay Degmada Shangaani gaar ahan Sedaxda Geed taarikhda markii ay ahayd 3-dii bishan  Abriil, halkaasi oo uu isku dhex qarxiyay ruux naftiis haliga ah oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Kulanka loogu baroordiiqayay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, dhallinyaro culimaa’udiin, iyagoo Alle ugu baryay in janadul fardowso ka waraabiyo

Macalin Cabaas oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa Alle ugu baryay dhallinyaradaasi ku shahiiday qaraxii ka dhacay Shangaani in uu janadiisa ka waraabiyo.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii ay saxiibada ahayeen marxumiintaasi ayaa ka sheekeeyay taariikhda saxiibaadood ee ay gumaadeen nabadiidka Al-Shabaab.

Wasiirk ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaal ayaa sheegay in marnaba aysan ka niyadjabin dhallinyarada horumarina dalkooda, ayna gacmaha is qabsadaan oo ay gacan ka geystaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.