Mashruuc indha fiiqis lacag la’aan ah oo ka bilowda Muqdisho

Munaasabad lagu daah furayay mashruuc indha fiiqis ah, baaris iyo daween caafimaad, laguna siinayo muraayadaha araga (ookiyaal) lacag la’aan ah kaasi oo ay ka faa”iideysanayaan toban kun 10,000 oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta iskuulada ku yaala magaalada Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Isbitaalka Jaziira iyo Maamulka Jaamacadda Aadan Cadde ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Barnaamijkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka Jaamacadda Aadan Cadde dhakhaatiir ka socota qaar ka mid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale .

Dr Maxamed khaliif oo ka mid ah dhakhaatiirta Indhaha ee ka howlgala Isbitaalka Jaziira oo ka hadlay muhiimadda barnaamijkan uu u leeyahay ardayda Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in laga faa’iideysto fursadan.

Guddoomiyaha qeybta Indhaha ee Jaamacadda Aadan Cadde Dr Cali Khaliif ayaa sheegay in barbaamijkan ay ugu tala galeen in ay ka faa’iideystan si bilaash ah Ardayda Soomaaliyeed.

Dr Cali Baashi oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomalaiyeed ayaa soo jeediyay in la balaariyo howlaha wax loogu qabanayo bulshada, si dad badan ay fursadan uga faa’iideystaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Aadan CaDde Prof Cabdiqaadir Axmed Mahad ayaa sheegay barnaamijkan ay ka faa’iideysan doonaan arday dugsiyada sare iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.