Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug oo ka tacsiyeeyey geerida Nabaddoon Maxamed Aadan Rooble “Xood

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa ka tacsiyey geerida ku timid Allaha u naxariisto Nabadoon Maxamed Aadan Rooble “Xood”
oo saakay ku geeriyooday magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Marxuumka ayaa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ku lahaa nabadeynta , dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Galmdug loo dhanyahay , waxaana una ka mid ahaa nabadoonada ugu firfircoonaa Deegaanada Galmudug.

Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Aadan Rooble “Xood” oo maalmahan xanuunsanaa ayaa saakay ku geeriyooday Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.