Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jambuuti ismaaciil Cumar Geelle oo markale dib loo doortay.

” Waa guul  xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka,Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayaa lagu yiri warqoraal ah oo lagu dabacay twitter Maxadweynaha,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuti,isagoo helay codad gaaraya boqolkiiba 98 ,sida lagu sheegay warar la shaaciyay saaka oo Sabti ah.