Naftii Halige weeraray maqaayad dad shacab ah ku sugnaayeen oo ku taalo Baydhabo

Qof naftiis halige ah ahaa oo soo xirtay Jaakadda Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay Maqaayad lagu qaxweeyo oo ku taala magalaada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed.

Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan qaraxa waxaa ku dhintay 4-Qof, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Maqaayadda Naftii haliga ah uu weeraray ayaa lagu magacaabaa Suweys oo ku dhegan Hotelka Baydhabo oo ah goob shacabka ay isugu yimadaaan.

Wixii ku soo kordha warka la soco.