Dadka reer Cadaado oo maanta isugu soo baxay salaad Roob-doon ah

Cadaado- Dadka reer cadaado ayaa maanta iskugu soo baxay salaad Alle looga baryaayo in kuleylka uu uga qaado roobna uu siiyo.

Sedex maalin kahor ayay ahayd markii maamulka degmada Cadaado uu shaaciyay in maanta la tukanayto salaadda roob-doon ah oo hal meel lagu wada dukado.

Culumaa’udiinka qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si isku mid ah uga soo qeyb galay dukashada saladaan roob-doonka ah, iyadoo dadka qaarkood ey soomanayen sedexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Shiikh Maxamed Khani oo kamid ah culimada magaalada Cadaado ayaa dadka ku waaniyay  in ay Allah u toobad keenaan iskuna samraan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaah Cabdiraxmaan Tootole ayaa ugu dambeyn dadka deegaanka ugu baaqay iney ka fogadaan waxyabaha maanka dooriya.

Xilli kuleyle ah oo aad u daran ayaa lagu guda jiraa,waxaa sii dheer in abaaro ay ka jiraa, Sidoo kale, bilo kahor deegaanadan waxaa xaalufin ba’an u geystay Ayax kusoo degay qeybo badan oo ka mid ah deegaankaas.