kulan looga hadlayay isku xirka adeegyada Caafimaadka oo Samareeb lagu qabtay

Shir sadaxdii biloodba mar ay qabato wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa looga  hadlaa isku xirka iyo qiimeynta  adeegyada Caafimaadka Deegaanada Galmudug, qiimeynta waxii qabsoomay sadaxdii bilood ee lasoo dhaafe iyo gaarsiinta Talaalka ee xanuunka Covid-19 deegaanada Galmudug ayaa qayb ka ah qodobada looga hadlayo Shirkan u furmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo hey’addaha ka taageerah howlaha Caafimaadka.

Shirka ayaa Dhuusamareeb si rasmi ah uga furmay, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in shirkan u yahay mid faa’iid wayn laga dhaxley joogteyntiisa.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa howl wadeenada Wasaradda kaga mahad celiyay joogteynta howlaha ay ka hayaan wasaaradda ku amaaney Wasaraddaha shaqo wadaaga la ah bahda Caafimaadka kaalinta ay shirkan ka qaateen.