Muwaadiniinta Chad oo u dareeray goobaha codbixinta

Chad- In ka badan 7 milyan oo ka mid ah muwaadiniinta Chad ayaa saakay u dareeray  goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha hoggaamin doono sanadaha soo socda dalkaas.

Shacabka Chad ayaa kala dooranaya toban murashax oo u tartamaaya madaxtinimada dalkaas.

Madaxweynaha uu hadda xilka ka dhamaaday  Idriis Deby ayaa doonaya inuu ku guuleysto madaxtinimada Chad markii lixaad oo xiriir ah.

Mucaaradka dalkaas ayaa sameeyay mudaaharaadyo looga soo horjeedo in madaxweyne idriis marki kale isa soo sharraxo, halka qaar ka mid ah hoggaamiyaasha mucaaradka ay ku baaqeen in la qaadaco doorashada.

Qaramada Midoobe ayaa Jimcihii ku baaqday in doorashadu noqoto mid u dhacda si nabad ah oo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweyne Idriis Deby oo 68 jir ah, dalkaasna xukumayay in ka badan 30 sano ayaa doonaya inuu mar kale ku guuleysto doorashada loo dareeray maanta oo Axad ah.