DHAKHAATIIRTA NAF-HURAYAASHA AH

Qalinkaygu wuxuu jeclaysanayaa in uu kuu soo gudbiyo sheeko naf-hurnimo, wadaninimo, beni’aadanimo iyo hooyanimo tusaale qurxoon u ah. Waa sheekada Dr Xılwo Daa’uud Ibraahim oo shalay uun aad ka aragteen Telefishinada, iyada oo Madaxwaynaha Qaranka ka xogsiinaysa safka hore iyo sariiraha lagula tacaalo xanuunka saf-marka ah ee COVID-19.

Xilwa madax iyo manjoba way duubantahay, suuragal ma aha in aad aragto wajigeeda, muuqeeda markii aad jeedaaliso waxaa kugu soo dhacaya, ma dayax-gacmeedka meeraha Mars ayay ku joogtaa? Maya! Maya ee waxay dhex joogtaa cusbataalka Martiini oo saldhig u noqday Bahda Caafimaadka ee ku hawlan la dirirka dawalaawaha dilaaga ah ee aan daymadu qaban ee COVID19.

Sanadkii 1994-kii ayay magaalada Kismaayo ku dhalatay Dr. Xilwa, Waxbarashadeeda dhakhtarnimo waxay ku qaadatay gudaha Dalka, waxay hore uga soo hawlgashay cusbataalka Digfeer oo ay ka heshay khibrad wanaagsan.

Nasiib-xumo, dalkeenna waxaa soo gaaray cudurka dilaaga ah ee COVID-19, wuxuu naga wareemay halkii aan ugu liidannay ee adeegga caafimaadka -Dal yar oo dad madegenayaal ahi ku noolyihiin oo Geeska Afrika ku yaal oo kolkii midkood jirado dabiib u doonta Hindiya- kolkaas ayay dhakhaatiirtii dalka joogtay talo ku caddaatay, waxay goosteen in ay dadkooda nafta u huraan, waxay ilaaween kuwii ay jeclaayeen iyo qoysaskoodii waxay hadh iyo habeenba u soo jeedaan samatabixinta walaalaha Soomaaliyeed ee cudurku haleelo.

Dr. Xılwo Daa’uud Ibraahim, waxay ka mid noqotay dhakhaatiirta safka hore kaga jira dagaalka. Muddo saddex bilood ah il’ iyo baal may saarin gabadha kaliya ee ay dhashay kuna indho-kuulan jirtay, hooyadeedii iyaduna ku indha-kuulan jirtayna Xilwo indho ma saarin. Hadh iyo habeen waa u soo jeed oo waxa ay kortaagantahay bukaanka xaaladaha adag ku jira ee tirada badan.

Xilwo iyo dhakhaatiirta lamidka ahi sow naf-hurayaal ma aha? Sow shalay idaacadaha kamaad dhagaysan Madaxwaynihii Qaranka oo ku tilmaamay nof-hurnimada ay sameeyeen dhakhaatiirta Soomaaliyeed in ay u dhiganto tan Ciidankeenna Qalabka sida. sow halyeeyo maaha?

Maanta waxay ku fooraraan oo ay ku foogganyihiin badbaadada bukaanka, maalinta Eebbe cudurkan inaga qaado ayay iyaguna foodda kor u qaadi doonaan oo ay dhabarka iyo curuuqda isgashay ka nasan doonaan. Maalintaas ayaana Dawladoodu billad sharaf halyaynimo garabka u sudhi doontaa.

W/Q: Abdirashid M. Hashi