HALISTA KA DHALAN KARTA GAASKA CUNTADA LAGU KARSADO.

Horumar kasta oo cusub waxuu leeyahay nusqaantiisa, waayadii danbe waxaa dalka si baahsan ugu soo kordhay isticmaalka gaaska iyadoo shacabka Soomaaliyeedna ay tahay mid ku cusub isticmaalka jikooyinka kala duwan iyo gaaskaba.

Waxaan ognahay in shacabkeenu si waafi ah u isticmaali jireen dhuxusha, taasoo adduunku ka tegay waa hore balse dadkeennu ay haatan ku cusub tahay, arrinta isticmaalka iyo ka foojignaanta khatarta way garanayaan dadka qurba joogta ah sida badan laakiin waxaa u baahan in loo iftiimiyo shacabkeenna oo haatan laga yaabo inay u wada guurayaan isticmaalka gaaska.

Badanaa khatarro ayaa ka dhasha isticmaalka gaaska marka lagu xirayo tuubada jikada si ay isula shaqeeyaan, sidoo kale marka la shidayo jikada iyo weliba xakameynta gaaska iyo qiyaasta ay u baahan tahay jikada shidan.

Jikadu waxay ka koobantaa ugu yaraan saddex fadhi oo lagu karsado cuntada.

Haddaba maanta waxaan halkaan wax yar ka tilmaamayaa siday Soomaalidu uga gaashaaman lahayd ama uga hor tegi lahayd hadduu dab ka kaco haanta gaaska ama jikada nafteeda.

Marka hore qoys walba oo Soomaaliyeed ee u guuraya noloshan cusub waa inuu niyadda ku hayaa wax waliba inay ka iman karaan khatar, xataa gaaska ayaa keeni kara neef qabatin, ama gaaska ku baxay guriga ayaa dhalin kara qarax keeni kara gubasho naf iyo maal ka dibna halkaasi ay ka dhashaan khatar kale.

Waxaan ka digaya in caruurta si adag looga ilaaliyo haanta gaaska inay furaan ama loo dhigo meel ay ku ciyaar ciyaaraan.

Haddaba, muwaadin maxaad sameyneysaa haddii dab kugu kaco adigoo ku guda jira howshaada cunta karinta ahayd.

Marka ugu horreysa isdeji waa wareey iyo ba’ayeey ha oranine fiiri halka uu dabka ka socdo kadibna adigoon iswaalin maro qoyan soo qaado oo geb ku sii halka debka ka socdo ka dibna xir gaaska kugu furan.

Haddii haanta nafteeda uu dab qabsado gaaskiina furan yahay waxaad ogaataa inaysan biyo waxba ka taraynin deminna kareynin holaca, waxaad sameysaa isla markiiba soo qaado baaldi maran oo kuu dhow ka dibna hab ku sii haanta isla markiina holaca kaa demo horay ka xir haanta gaaska sidaasna waxaa ku jirta badbaado.

Waxaase ugu habboon in aad marka hore si fiican u barato isticmaalka taas ayaa ah ka hortagga ugu fiican markii aad dooneyso in aad u guurto ku dhaqanka jikooyinka gaaska.

W/Q: Osman Dhiblaawe.