Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenada ,Alifleyda ,Dableyda iyo Dhammaan qoysaskooda Munaasabadda 12 April oo ku Beegan Aasaaska CXDS oo ay ka soo wareegtay 61 Sano.
“Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo uu dalka leeyahay , waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca Dalkooda ,Dadkooda iyo Diintooda ,Waxayna ku Shaqeynayaan Qobobka 126 iyo 127 Ee Dastuurka Kumeel gaarka ah Ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji.
Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS oo kaashaneysa Taliska Xoogga Dalka ayaa bilowday qorshe ballaaran oo Ciidanka ay ugu mid noqonayaan Dhalinyaradda Waxbaratay Taas oo horseed u noqotay in guulo wax ku ool ah ay gaareen Ciidanka kuwaas oo qeyb ka noqdoona Difaaca Dalka iyo hogaaminta ciidanka.