Haddii aad u fiirsatid oogada dhulka aan ku nool nahay, waxaa ogaaneysaa in 75% ay tahay biyo ama bad, dhinac kasta nooga wareegsan.
Badahu ma ahan kuwo kala go’an ee waa badweyn qura, oo qeybaheeda kala duwan loo bixiyay magacyo kala duwan, sida :
1-Badweynta Hindiya 2-Badweynta Atlaantikada
3-Badweynta Basifikada 3-Badweynta Artikada
Badaha naga xigaan afarta jiho, oo kala ah:-
1-Bari 2-Koonfur 3-Galbeed iyo 4-Waqooyi
Badaha waxay ka abuurmeen duufaantii lagu halaagay qoomkii Nebi Nuux ee la oran jiray reer Binu Rasiis, ka dib markii laga quustay inay nabigii loo diray ee Nuux (Cs) rumeeyaan, sida ahlu siira sheegayaan, waana biyihii ka soo burqaday samada, balse dhulka waxaa la amray inuu liqo biyahiisa, waxaana la tilmaamay in biyuhu weli muuqato carada ay u qabaan qoomkii loo soo diray.
Sidoo kale, badahu waxay u leeyihiin nolosha dunnida, gaar ahaan nolosha bani’aadamka, waxay u yihiin marin ama waddo lagu safro marka la isugu gudbaayo dunnida daafaheeda.
Badaha waxaa laga helaa, cunto iyo kheyraad kale sida macdan iyo shidaal.
Badaha ka faa’iideysigooda wuxuu u baahnan yahay aqoon iyo qalab casri ah oo laga soo saaro kheyraadka kale duwan eek u jira.
Marka uu qofku xirneyn qalabka maquurashada, wuxuu biyaha ku dhex jiri kara laba ilaa saddex daqiiqo, mana gaari karo meel fog ama qoto dheer.
Hase yeeshee, waxay saynisyahannadu qalab ka caawiya qofka maquurashada badda, oo u oggollaanaya in uu gaaro meelqoto dheer, muddo dheerna ku jiri karo badda gunteeda, si ay waxyaalo badan u soo fiirsadaan, oo aqoon uga soo kororsadaan.
qalabka maquurashada waxaa ka mid ah mid qofka u suura gelinaya inuu gaaro meel qotadeedu gaareyso ilaa 250 fuudh ah, qalabkani wuxuu ka kooban yahay laba taangi oo soo gaarta qofka maquuranaya, qofku wuxuu kaloo xirtaa muraayad ballaaran, oo si wanaagsan wax uga arki karo biyaha dhexdooda, raga maquurta waxay kaloo xirtaan kobo af ballaaran, oo usuuro gelinaya inay si howl yar oo dhaqso leh u dabaashaan, Haddii qabow yihiin ama meel dheer gaarayo, waxay xirtaan lebis rabar ah ama gudmo ah oo dhaxanta ka celinaya.
Inkastoo qalabka maquurashada uu qofka dabaalyahanka ah u suura gelinayo inuu muddo dheer badda dhexdeeda ku jiro, haddana ma aha muquurashadu wax sahlan sida loo maleynayo.
Mowjadaha hirarka baddu, waa biyo socda oo sida kuwa togagga u dhex mara badweynta, qaar wey qabow yihiin, kuwana way diiran yihiin marka loo eego biyaha badweynta ay dhex marayaan.
Tamarta ay u socdaan waxaa la sheegay inay ka helaan qorraxda iyo dabeysha.
Dadka xeebaha deggani waxay arkeen in 24 saacba laba jeer baddu soo buuxsanto, laba jeerna caarido, heerka buuxa iyo caariga ee ay gaaraan kala duwan yahay heerkii shalay uu gaaray buuxu ma gaaro maanta.
Sidoo kale, caariguna ma gaaro heerkii shalay kan maanta.
Dadka xeebaha deggani waxay arkaan in labadii toddobaadba mar uu gaaro buuxa iyo caarigu heerkii ugu sarreeyay iyo heerkii ugu hooseeyay waxayna ku sheegeen inuu yahay marka dayaxu dhan yahay afar iyo tobanka.
Baddu waxay tahay, degaan aad ugu baboon nolosha noolaha, waxay leedahay macdan badan, heerkul haboon iyo hawo ku Milan biyaha, taasina waxay suurta gelineysaa inay baddu ku noolaadaan noole tiro badan oo kale jaad jaad ah oo dhir iyo xayawaanba leh.
Dhirta iyo xayawaanka badda ku nool badankood, waxa laga helaa gaariga agtiisa iyo badda hareeraheeda iyo inteeda sare, Sidoo kale, bartamaha iyo gunta badda, waa laga heli karaa dhir iyo xayawaanno badan oo aan u ekeyn kuwa ku nool badda inteeda sare.
Badda inteeda sare, waxaa ku nool nooleyaal fara badan oo isugu jira dhir iyo wayawaan aadna u yaryar, oo badnkoodna indhaha oo qaawan lagu arki Karin, waxaana guud ahaan lagu magacaabaa (Sacaaf) noolahaani ma laha awood uu ku dawaasho, waxay raacaan hirarka maayada badda, kuwaasoo hadba meel geeya.
Noolahani, xagga qaabka aad ayey u kala geddisan yihiin, oo qaarkod waxay u egyihiin bil, kuwana sida kubadda , kuwo kalena way dhuu-dhuuban yihiin ama isku xiriirsan yihiin.
Sidaa iyo si la’eg ayuu xajmigoodu u kala duwan yahay, qaar aad u yar-yar, kuwo dixriga la’eg iyo kuwo kalluun ballaaran ah.
Noolaha waaweyn ee badda, waxay dhammaantood cuntada ka helaan Sacaafka biyaha badda inteeda sare kunool, qaar si toos ah ayey u cunaan Sacaafka naftiisa, kuwa kalena waxay cunaan xayaawaanka iyaga cuna sacaafka, tusaale- kalluunka yar-yari wuxuu cunto u yahay kalluunka waaweyn oo uu ku jiro Nibirigu.
Baddu waa keyd Cunto
Marka laga soo billaabo waqtiyadii hore, dadku wuu qabsan jiray oo cuni jiray kalluunka iyo noole kaleba ee badda laga helo.
Waqtigan casiriga ee manta waxaa la ogaaday waxtarka iyo kheyraadka kale duwan ee badda ku jirta, waxaa la halay qalab casri ah oo sahlalya ka faa’iideysiga badda oo markii hore ku billowday ku safridda iyo isugu gudbidda qaarad illaa ka qaarad kale iyo ganacsiga maraakiibta, waxaa la sameeyay Maraakiib warshado oo kalluunka jillaabta, warshadeeyana, waxaana dunnida manta tartan ugu jirtaa ka faa’iideysiga badda.
Baduhu, waxay yeesheen qiimo ka duwan berriga oo waxeyba ku dhowdahay in dagaal caalami ah ku dhexmaro dowladaha waaweyn.
Biyaha dhanaan ee badda, waxaa laga soo saari karaa biyo macaan oo la cabo, dalal badan ee caalamka ka mid ah ayaa sameeyay inay badda biyo macaan ka soo saartaan.
Haddaba, waxtarka badda iyo kheyraadka ku jira ee maanta la ogyahay ma ahan mid la soo koobi karo, iyadoona dunnidu tartan xoog leh ugu jirto,balse dadkii xoog iyo qalab leh ayaa ka faa’iideyn karaa oo waa is-barbaryaac oo la isu-dilalyaa.
Haddaan, Soomaali nahay maxaan ka naqiinnay badda iyo waxtarkeeda, hadda markaan ku aragnay maraakiib waaweyn ee xeebaheenna mushaaxaya ayaan ku baraarugnay, dhallinteenna kalluumeysatada ah waxaa loo bixiyay ((Burcad badeed)) si maraakiibta sharci-darrada ah gacan looga siiyo inay xeebaheenna ka jillaabtaan, waxaa la abuuray olole lagu magacaabay ((la dagaallanka Burcad badeedda soomaalida)) oo aan loo harin.
Arrintani, waxay ku soo begantay xilli soomaalidu kal qeybsan tahay, oo ayan lahayn dowlad xoog leh iyo ciidan badeed hanan kara difaaca xeebteenna dheer, oo ayan jirin dal leh xeeb sidaa u dheer S/Afrika maahinee.
{Alloow na sii midnimo iyo dowlad awood ciidan leh, Aamiin, Aamiin, Aamiin.}
W/Q: Dr- Maxamed Isaaq Mursal.