GANACSIYO NOOC CUSUB AH OO LAGU ARKAYO MUQDISHO

Muddooyinkan dambe Muqdisho waxaa ku soo biiraya hindiseyaal ganacsi oo cusub oo aan dalka hore uga jirin.

Waxaan la kulmay gaari lagu magacaabay suuqa wareega oo marba meel aad ku arkeyso oo lagu iibinayo khudaar, kalluun, hilib iyo ganacsiyo kale oo dadku u baahan yahay .

Ganacsiga noocaas ah ee suuqa wareega wuxuu sahlayaa in qoysasku ka adeegan karaan marka uu soo gaaro degaanka ama xaafadda ay degan yihiin waxayna dadka ku shaqeeya gaarigan oo ah mid weyn sheegayaan in uu yahay mid ay kalliftay dadka qaar oo meelo fogfog u adeeg doonta.

Sidoo kale magaalada Muqdisho waxaa ka jira maqaayad wareegta oo ah gaari u shaqeeya sida maqaayadaha oo la dhigo meelaha bulshada ku badan tahay sida suuqyada oo dadka suuqyadaas ka shaqeeya ay inta badan mashquul yihiin oo aaney heli Karin fursado ay ku gaaraan maqayadaha caadiga ah.

Gaariga u shaqeeya sida maqaayadda oo laga helayo noocyada cuntada eek ala duwan ayey dadku cuntada ku cunaan halka ay joogaan oo loogu geeyo ama ay u qaataan guryahooda.

Si la mid ah waxaa jira adeegyo dukaamo iyo maqaayado oo qofku telefoon ku soo dalbanayo ama qaab online ah ka dibna halka uu joogo loogu geynayo haddii ay tahay xafiis , guri ama meesha uu xilligaa ku sugan yahay qofka dalabka leh.

Shirkadaha gaaska karinta cuntada ayaa iyana dadka guryahooda ugu soo adeega oo adeegga ay u baahan yihiin marka ay dalbadaan si degdeg ah guryaha u geeya.

Qaabka qashin ururinta ayaa iyana haatan ka duwan sidii hore ee ay qoysasku dhibta ku qabeen ee aheyd in ay iyagu iska fogeeyaan ama ay godad ka qodaan guryaha hortooda laakiin haatan dadku waxay helayaan adeeg gaadiid guryahooda ugu yimaada oo qashinka ka fogeeya bil walbana xoogaa lacag ah ku soo dallaca.

Adeegyadan iyo ganacsiyada noocan ah waxay sahleen nolosha waxayna dadka ka furteen dhibaatooyin ay ka mari lahaayeen  iyo waqti badan oo kaga bixi lahaa raadinta waxyaabaha ay u baahan yihiin.

W/Q: Faarax Cabdi Guuleed