KAALINTA WADDOOYINKA HABEYSAN KA GEYSAN KARAAN ISDHAAFSIGA GANACSIGA

Ganacsiga waa wax aan looga maarmin isdhaafsiga badeecadaha iyo waxyaabaha ay soo saaraan Warshadaha.

Waddamada reer Galbeedka iyaa isaga gudba habka isdhaafsiga Ganacsiga iyadoo la marsiinayo Jidad High Way ah ama Waddooyin sida Waddooyin habeysan oo leysku furay, xudduudda  dalka kaasoo Gawaarida Xamuulka badan gaar ahaan gaadiidka loo yaqaanno Trailka loo yaqaan ama trainka mara Khadka xadiidka iyo midka mara dhulka hoostiisa ee loo yaqaanno Mitro, wallow qalabka tirade badan ee aadka u culus la mariyo.

Badaha oo lagu daabulo Maraakiib hadana waa lama huraan in la adeegsado Waddooyinka, kol ay tahay dalka gudahiisa, waxaa waddooyinka habeysan ee sida wacan la sameeyay kaalin wax ku ool ah ka qaataan dhaqso isku gudubka waddada xadiidka ah sida waxyaabaha loo baahan yahay ee gobolka isdhaafsadaan hakadka oo si wacan gawaaridooda isaga goosha halkaasi, taasoo yareyneysa shilalka dhaca jidadka gobollada isku xira waa inay noqdaan kuwo habeysan oo aan burbursaneyn, taasoo laba heer ciyaarta 1- Bilicda Waddooyinka iyo 2- Sahlidda Safarrada la galo ee Waddooyinka Afrika.

Inta badan waxaa jira Waddooyin aan habeysneyn oo lagu arko gobollada leysaga goosho iyo gudaha Caasimadahooda meel ka mid ah waana mid ay ka siman yihiin badiyaa, waddooyinka dhaadheer ee isbarbar socda iyo kuwa buundooyinka ah ee sida dhaqsaha ah loogu socdo sida jidadka dalka Sacuudiga ee ka dhisan kolka aad u sii jeeddo Xaramka Barakeysan oo marka aad arkeyso Afar Ji doo lababa dhinac tahay taasoo si sahlan markiiba aad u tegi karto Maka iyo Madiino.

Waa dhif Jidadkaas oo kale dunida ay ka jiraan laba waddo oo isdhinac socda, halka dalka sacuudiga laga helo waddooyin afar afar isu garab socda waana meelo badan gudaha sacuudiga wayna habeysan yihiin waana horumar fiican oo ku dayasho mudan.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)