SHEEKADII EEDDO MAAD ISKA JOOGTID!

Beri baa nin muudal/dhabcaal ah waxaa u soo martiday sodohdiis, oo sodcaal dheer reerkeedii kaga timi, gabadheedana dhibaad iyo dheef kaleba ugu soo caga dhigatay.

Ninkii reerka lahaa sohdiina u soo martiday waxaa habeenkaasoo kale la gudbooneyd kash-kash iyo is-xilqaan dheeri ah,inuu wan shilis u loogo iyo inuu haruub gaallo caano ah hamuunta kaga rogo, shaah ay daalka iyo diihaalka socadka dhuux gororkooda isaga bi’isona dabka ugu tuuro ma’se yeelin.

Waxaa yidhi bariidinba xaggeedii uguma dhaqaaqine kolkuu maqlay inay joogto ayuu is moogaysiiyay, afadiisiiyoo hooyo sideen u soornaa ? Weydiin ahayd isla dul-taagtayna uma hal-celin, indho galka ka baxsan oo quursi iyo yesmo ku jiraan qoob iyo qadaad ayuu kaga eegay.

Gabadhii oo hooyadeed ka seexan La’, keynmadoobaha qaduucaa ee qabana xerada u gacan dhaafi la’ ayaa sodohdii geed reerka ka yar durugsan falag u dhigtay.

Sidii baanu duqdii oo gaajo iyo harraad bogga iyo bushimuhu la ololayaan, habaar iyo hiifna Hoos kaga ganuunacaysaahi habeenkaa Ku bariday.

Foog hore ayay toostay dhankii reerkana dhowr kol milicsatay, hayeeshee cid xageeda u soo dhaqaaqda way arki wayday.

Ayadoo si quman u istaagi la’ ayay ambabax u hilhilatay oo sodcaal u tafaxaydatay, kabaheedii jilfaha ahaana ilatay.

Kolkii ay dhaqaaqa u taxaydatay ayuu baraka beelihii gabadheeda qabay haleel ula soo jogsaday, kuna yidhi ” oo Eeddo miyaad baxaysaa?”, “Haa” bay cod hoose ku tidhi, indho gurran oo kol kol dan-darro iyo diihaal la madoobaadayana way ku eegtay.

Asagoon waxba is dhibin, dhoola-cadayn digasho u muuqatona dibnaha la luxaya ayuu af muggii ku yidhi ” oo eeddo maad iska joogtid illeen xaleyba wax inama yeeline”. Waxaan soo xusuustay maahmaahdii ahayd” qosol aan lagu la qabini waa qaraabo goys”.

W/Q: Liibaan Xirsi