Soomaalida Mareykanka oo soo dhoweysay musharax u taagan xilka golaha deegaanka Boston

jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ayaa xaflad soo dhoweyn ah u sameysay Musharaxa Sayid Cabdikarim (Said Boston) oo u taagan xilka gollaha deegaanka Magaalad Boston ee Gobolka Masajusit.

Xafladdaan oo lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa ka qeybgalay qeybaha bulshada ee Jaaliyadda Soomalida Mareykanka.

Musharax sayid Cabdikarim Saiyd Boston oo ka hadlay xafladdaasi ayaa wuxuuna ka mahadceliyey sida wanaagsan ee jaaliyadda Soomaliyeed u garab istaagtay.

Wakiilka War-baahinta qaranka  Cabdixakiim Cabdi Ismaciil ayaa sheegay in dadweynihii ka hadlay xafladdaasdi ay muujiyeen wanaaaga uu musharaxaasi ku lee yahay bulshada iyo sida ay u garab taagan yihiin.