Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo soo dhaweeyey go’aan golaha shacabka uu maanta ka qaatay doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa soodhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu maanta ka qaatay arrimaha doorashooyinka Qaranka kaasoo dalka dib ugu celinayo doorasho qof iyo cod ah.

Dowladahan Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa mar walba ka go’aneyd hirgelinta heshiisyadii doorashooyinka, iyagoo dadaal badan ku bixiyey xallinta tabashooyinka farsamo ee kasoo laabtay heshiiskii 17kii Sebteembar.

Waxaan garab taagannahay hay’adaha dastuuriga ah ee Heer Federaal, waxaanna ugu baaqeynaa Shacabka iyo hormuudka dadka Soomaaliyeed in ay sida ugu habboon u qaataan doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabku ay ka siiyeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.