Suudaan Oo Ku Baaqday Kulanka Saddex Geesood Ah!!

 

Xilli ay xiisad ka taagan tahay Khilaafka Biyo-xireenka wabiga Niil, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Sudan, Cabdalla Xamduuk, waxa uu ugu baaqay dalalka Masar iyo Itoobiya, inay isagu yimaadaan Shir Saddex Geesood ah.

Kulankan ayaa la sheegay in Saddexda RW  ay kaga arrinsan doonaan Muranka Dhismaha Biyo-xireenka iyo Saami-qeybsiga Biyaha Webiga Nile.

Farriin Qoraal oo uu Ra’iisul Wasaaraha Sudan, u kala diray R.Wasaaraha Masar, Mustaf Madloobi iyo Abiy Ahmed,  R.Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu kaga codsaday inay Kulan isugu yimadaan 10-ka maaalmood ee soo socota, si ay meel isula dhigaan  Khilaafka Gaamuray ee dhismaha Biyo-xireenka Al-Nahda.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan waxa kale oo uu qoraalkiisa ku muujiyay inuu heer dhamaad dhimasho leh gaareen Wada-xaajoodka, xilli uu Dhismaha Biyo-Xireenka gaaray Heer Horumarineed.

Waxa uu hoosta ka xariqay in loo baahan yahay in Heshiis Saddex Geesood ah la gaaro, ka hor inta aan la bilaabin waji labaad ee dhismaha Biyo xireenka.

Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk,  ayaa ku baaqay in la  Cusbooneysiiyo  Ballanqaadkii Siyaasadeed ee ay saddexda Dowladood heshiiska ku kala saxiixdeen 23-kii bishii March ee sanadkii 2015-kii.

Qaddiyada Biyo-xireenkan ayaa noqotay Caqabad soo taagnayd 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna Dowladaha Masar, Sudan iyo Itoobiya, khatar ugu jiraan inuu dhex maro Dagaal, iyadoo Madaxweynaha Masar, C/Fataax Al-sisi, uu horay uga digay Hawlgal Dagaal oo ka dhaca  Mandiqada.

Dhismaha Biyo-xireenkan ay ku hawlantahay Itoobiya ayaa la bilaabay sanadkii 2011-kii waxaa laga dhisayaa  Gobalka Benishangul-Gumuz, oo 45 KM dhanka Bari kaga beegan xadka Sudan.