Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda u magacaabay Dr. Xasan Cumar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Xasan Cumar Mahadalle in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Dr. Mahadalle in uu xilkan culus u guto si xilkasnimo leh, kalin mug lehna uu ka gaysto tayeynta tacliinta sare ee dalka.