Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Doorashooyinka heer Federaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay sharciga gaarka ah ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa shalay cod aqlabiyad ah waxaa ay ku meel mariyeen sharciga jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo ah doorasho qof iyo cod ah.