Madaxweyne Farmaajo oo Xeer Madaxweyne Darajadii Ciidanka kaga qaaday Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sido kale si waafaqsan sharciga ciidamadda qalabka waxaa uu ka xayuubiyey Saadaq Cumar, waxii xaquuq ah uu lahaa.

Nuqul kamid ah xeerkan ayaa la soo gaarsiiyey Wakaaladda Wararka ee SONNA.