Wasiirka Howlaha guud oo ka warbixiyay dib u dhiska waddada isku xira Muqdisho iyo Jowhar

Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahiyay halka ay marayaan mashaariicda dib u dhiska waddooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Afgooye, isagoo dhanka kale xusay in uu socdo mashruuc gobolada lagu gaarsiinayo dhismaha waddooyinka.

Waxaa si habsami leh u soconaya mashaariic horumarineed oo la xiriira dib u dhiska dalka oo ay hormuud ka tahay wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka mid ah Waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo dhana kale uu socdo mashruuc gobolada lagu gaarsiinayo dhismaha waddooyinka.

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa xusay in mashaariicda kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay ka wada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada dalka uu yahay kuwa dib u habeyn casri ah lagu sameynayo waddooyinka caasimadda iyo gobolada kale ee dalka isku xira.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, ayaa ah goobtii ugu horeysay ee laga bilaabay dib u dhis, taasi oo haatan meel gebo gebo ah mareysa, balse dhismaha waddada Jowhar iyo Muqdisho oo marin muhiim ah ayaa dhawaan si rasmi ah looga bilaabay dib u dhis, si looga jawaabo dhibaatooyinka bulshadu ay ku qabaan isticmaalka wadadaasi.

Marka laga soo tago dib u dhiska waddooyinka waxaa jirta baahi loo qabo sidii loo ilaalin lahaa horumarka danta guud, wasiirka ayaa sheegay in bulshadu ay mas’uuliyad ka saraan tahay sidii ay u ilaashan lahaayeen adeegyada danta aguud, lagana fogaado waxkasta oo dib u dhac keeni kara.