Khasaaro xoogan oo ka dhashay gaari rakaab ah oo miino kula kacday meel u dhaw degmada Balcad

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay halka 5 kale ay ku dhawacmeen ka dib markii gaari rakaab ah ay miino kula kacday meel u dhaw degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe duhurnimadii maanta oo Arbaca.

Abshir Maxamed Maxamud oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Xooga ayaa xaqiijiyey dhacdada argagaxa leh ee rakaabka gaariga ay u gaysteen kooxda Al-Shabaab oo inta badan bartil maameysta gaadiidka wadooyinka si gaar wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Gaariga ayaa ahaa nooca Homey-ga loo garan ogyahay, waxana sidoo kalena la hadlay darawalka oo isugu kamid ahaa dadka musiibada ka badbaaday.