Talaalka Covid19. ee ay ku deeqday Dowladda Shiinaha ayaa maanta lagu daah-furay Magaalada Muqdisho

Safiirka Waddanka China, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa si toos ah Maanta u daahfuray isla markaana qaatay talaalka nuuciisa labaad ee loo yaqaano  Cinovac lagana keenay Waddanka China.

Mawaadiniinta u dhashay China ee ku nool Soomaaliya ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee talaalkaan lagu daah furo, iyadoo ay qaateen Safiirka  China u fadhiya Soomaaliya, Shaqaalaha Safaaradda, ilaalada iyo muwaadiniinta kale ee Chiniiska ah ee ku nool Soomaaliya.

Dowladda China ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Talaalkaan maanta la daah furayo si loo yareeyo khatarta Covid19, waxa uuna sheegay safiirka inay sii wadi doonaan kaalamada Caafimaad ee Chinihu uu siinayo Dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macallin oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin lagu daah furay talaalkaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay qaataan talaalka looga hortegaayo cudurkaan halista badan ayna u bilaabeen bulshada  si loo wada qaato.

Agaasimaha isbitaalka Martiini Dr Cabdirasaak Yuusuf Jalaaludiin ayaa uga mahadceliyay Safiirka China garab istaaga ay la ag joogaan dadka Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in si waafi ah ay dadka Soomaaliyeed talaalkaan u gaarsiin doonaan.