Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday xubin ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun Siddeed Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday Maxamed Cusmaan Maxamed Xasan oo Al-shabaab u qaabilsanaa Faafinta fikirka Gurracan ee Argagixisadda

Dambiilahaan ayaa  loo haystaa in uu kamid ahaa maleeshiyadda Alshabaab oo uu kaga biiray Gal-gaduud Sanadii 2013,isagoo sidoo kale lagu eedeeyay in uu maleeshiyaadkaasi la wadaagi jiray dhaq-dhaqaaqyada Muqdisho iyo  wararka la xiriira Gobolka ee ay baahiyahaan idaacadaha ku yaal Caasimadda.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida,ayaa sheegay in xukunsanahaasi heysto muddo Sodon Cisha   ah oo uu ku qaadan karo

Rafcaan.