Bulshada Xuddur oo maanta u dareeray dukashada salaad roob-doon ah..

Boqolaal shacabka ah oo ku dhaqan magaalada xuddur ayaa maanta isugu soo baxay dukashada salaadda Roob-doonka oo Alle looga baryaayey in uu ka saaro biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka kale ee jira.

Dukashada ka dib , waxaa bulshada kala duwan ee soo xaadirtay la faray in ay iscafiyaan Allena u towbad keenaan, isla markaana ay quudiyaan masaakiinta.

bulshada gobolka bakool intooda badan waa beeraleey iyo xoola dhaqato,sidaa daraadeed waxay xilligaan wajahayaan kuleyl iyo biyo la’aan taasoo sabab u ah isusoo baxa lagu oogay salaada roob doonta ee maantta.