Guddoomiyahii degmadda Xamar -jajab oo la dilay

Gudoomiyihii Degmadda Xamar-jajab Maxamed Cabdi Xayle ayaa lagu dilay Weerar gaadmo ah oo Argagixisanimo xilli uu sii galayay Gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.

Afhayeenka Booliska, Sadiiq Doodishe ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Qaranka dilka Gudoomiyaha, Waxaana dilay Koox Bastoolado ku hubaysan oo watay Mooto Bajaaj.