Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka China

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Guleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labbada dal ee dhinacyada Waxbarashadda, Dhaqaallaha, Arrimaha Bani’aadminimadda Iskaashiga dhanka amniga iyo la tacaalidda Cudurka Covid-19.

Dawladda Shiinaha ayaa ka mid ah Dawladdaha Saaxiibka dhow la ah Dawladda Somaliya iyagoo marwalba iska kaashada Arrimaha u dhexeeya ee muhiimka u ah xidhiidhadda labadda Dal.