Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo

Maxkamadda gobolka Baay ayaa ku dhawaaqday dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo Hooyadii Khayrto Shariif Xasan oo 70 jir ah dhawaan ku dilay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kiiskan oo maxkamadda fadhi badan ka yeelatay ayaa kii maanta waxaa goob joog ka ahaa Ehelada Marxuumadda iyo sidoo kale eedeysanaha.

Axmed Sheekh Nuur Saki Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ahna guddoomiyaha kiiskan oo ku dhawaaqay xakunka ayaa sheegay in Mukhtaar ay ku cadaatay dambigii loo heystay ee ah dilka Hooyadii Kheyrto, isla markaana ay maxkamaddu heshay caddeymo iyo marqaatiyaal, isagoo intaa ku daray in Maxkamaddu ay Dambiile Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ku xakuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumad Khayrto.

“Eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ina Khayrto Shariif Xasan 36 jir ah ku dhashay degan Baydhabo, kaas oo xafiska xeer ilaalinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku soo eedeeyeen dil bareer ah, kaasi oo uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan oo ahayd Hooyadii isaga dhashay oo 70 jir ah. Maxkamaddu marka ay aragtay eeddii xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeysay, kaasi oo ah qodob 434, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Maxkamaddu marka ay aragtay qiraalka eedeysanaha ka hor caddeeyay garsoorka hortiisa in uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan. Maxkamaddu marka ay aragtay caddeymaha iyo marqaatiyaasha la horkeenay, mid midna ay u weydiisay marag furkooda, waxay maxkamadda ka hor caddeeyeen in eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq iyo Hooyadiisa Khayrto Shariif Xasan uu muran dhex maray, isagoo dharbaaxo wajiga kaga dhuftay kadibna madaxa dhagax kaga dhuftay, isla bartaasna ay ku geeriyootay Marxuumadda. Maxkamaddu marka ay aragtay dokumintiga iyo qiraalka eedeysanaha laga qoray, sawirada iyo waraaqda caddeymaha dhimashada marxuumadda, markii ay dhageysatay dooddii u dhexeysay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedeysanaha, sidaas daraadeed maxkamadda waxaa u caddaatay dambiile gacan ku dhiigle Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah” ayuu yiri Axmed Sheekh Nuur Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay.