Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo shir guddoomiyay shirka Amniga Galmudug

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Galmudug.

Shirkan oo ay ka so qayb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Nabadsugida, Booliska iyo Amisom ayaa diirada lagu saray adkeynta Amniga guud ee Galmudug.

Inta u shirka socday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa uu saraakiisha Ciidamada Galmudug faray in ay laba jibaaraan Howlgalada ay ku baacsanayaan Kooxda Al shabaab.

Sido kale waxa u madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug lamaha Amniga faray in sare lo qaado Amniga Magaaloyinka Galmudug inta lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadan si dadka ay ugu cibaadaystaan Nabad iyo deganaan, Cadawguna aanu fursad u helin.