Kulan looga hadlayay dhamaystirka Xog-kaydiyaha Ganacsiga iyo diiwaan gelinta hab online-ka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta shir guddoomiyey shirka toddobaadlaha ee Wasaaradda Ganacsiga kaa oo loogga hadlayay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan dhammeystirka Xog-kaydiyaha Ganacsiga iyo Habka Onlaynka ah ee diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysimada shirkadaha Ganacsiga oo labadoodu ba maraaya heer gebo-gabo ah.

Barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga, ayaa ah Website lagu uruurinayo guud ahaan macluumaadka kala duwan ee la xidhiidha Ganacsiga kaasi oo ahmiyad weyn u leh dhaqaalaha dalka, fududeynta ganacsiga, iyo maal-gashiga. Waxaana muddooyinkii dambe la waday uruurinta xogaha la xidhiidha ganacsiga kuwaasi oo lagu kaydinayey Website ka si ganacstada iyo maal-gashadeyaasha kale ba ay u heli karaan xogaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga dalka.

Sidoo kale, Habka online-ka  ee diiwaan-gelinta iyo bixinta laysimada Shirkadaha ganacsiga,ayaa isagu na ah Website ay ganacsatada iyo maal-gashadeyaashu qaab online ah uga soo dalban karaan laysimadooda Ganacsi taasi oo fududeynaysa Ganacsiga iyo maal-gashiga dalka maadaama iyada oo ganacsadahu uu joogo xafiiskiisa iyo meheraddiisa shaqo uu soo dalban karo inuu qaato laysinka Ganacsi ee uu doonayo.

labadan hab ayaa qeyb ka ah dib-u-habaynta Ganacsiga dalka iyo sidii ganacsatada loogu fududeyn lahaa adeegyada ganacsi ee ay Wasaaraddu bixiso.