Prof Mohamed Abdi Gaandi oo ku Geeriyooday Dalka Faransiiska

Waa Kuma Prof  Marxuum Mohamed Abdi Gandi, Taariikh Kooban.

Waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Prof  Mohamed Abdi Gandi, oo ahaa aqoonyahan iyo taariikhyahan si weyn looga yaqaanay gudaha Soomaaliya.

Haddaba, Waa Kuma Prof Mohamed Abdi Gandi Gandi?

Prof Mohamed Abdi Gandi, wuxuu  dhashay sanaddii 1949-kii, waxbarashadda dugsigii sare wuxuu  ku qaatay Dugsiga Jamaal Cabdinasir, ee Muqdisho, kadib Deeq waxbarasho ayaa loogu diray dalka France, wuxuuna tagey Faransiiska gaar ahaan jaaamacadda Besançon University sanadkii 1972.

Prof Gandi waxa shahaadooyin siiyay ururka the International Baccalaureate oo ah urur hogaamiyaasha tacliinta caalamka sharfa xaruntiisuna tahay Geneva, Switzerland.

Prof Gandi wuxuu kasoo shaqeeyey Heya’adda UNDP Xafiiskeedda Somalia wuxuu xubin firfircoon ka ahaa ururadda u dooda nabadda.

Waxaa  uu madax ka ahaa Guddigii farsamada ee shirarkii Carta, Djibouti ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan lagu doortay, waxaa uu sidoo kale hogaaminayey ururada bulshada shirkii Kenya ee Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf sidoo kale lagu doortay, waxaa uu muddo gaaban ahaa wasiirka gaashaandhigga.

2011: Waxaa uu ku dhawaaqay maamulka Azaaniya isaga oo hoggaamiye ka noqday (2011-2013) kadibna Safiirka Soomaaliya ee Canada(2014), baarlamaanka 10-aad ayuu ka mid noqday, waxaa uu noqday  guddoomiyaha guddiga  Dib-u-heshiisiinta.

Prof Gandi wuxuu ahaa Dadka ugu Aqoonta Badan Soomaalida wuxuu Diyaariyey Lab Shahaado oo sare ” PH.D. ” Sidoo kale  wuxuu Qoray 12 Buug iyo in 50 Maqaal oo isugu Jira cilmi Baadhiso kala duwan.

Hadda wuxuu ahaa xubin Baarlamaan oo ka tirsan aqalka hoose ee Gollaha Shacabka,sidoo kale na ah musharax madaxweyne oo xubin ka ah Madasha midowga Musharaxiinta isagoo ahaa Guddoomiye ku-xigeen midowga musharaxiinta,

Alle haw naxariisto Prof Gandi maanta ayuu ku Geeriyooday Dalka Faransiiska.