Taliska ciidanka xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay millatariga Turkiga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen Odawaa Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillo ka socday saraakiisha ciidanka millatariga Turkiga ee ku sugan Soomaaliya.

Taliyaha iyo saraakiisha Waxay ka wada hadleen dardar-gelinta,dib-u-habeynta socota iyo dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.