Roob xalay ka curtay Deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Inta badan gobolka Mudug xalay waxaa ka hooray roobkii Gu’ga kasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada Gobolka mudug

Roobka ayaa bilowday xili saq dhexe xalay waxaana dadka ku nool deegaanada Miyigaa soo sheegayaan inuu ahaa mid xooggan oo biyo dhigay meelaha uu qabtay.

Roobka Gu’ga ayaa kusoo aadaya xili bulshada gobolka Mudug ay wajahayeen xaalad adag oo ay sababeen abaaraha ka jiray degaannada gobalka Mudug.