Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo ku baaqay in loo gurmado dad ku dhibaateysan duleedka Samareeb

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Dhuusamareeb ayaa gaaray deegaano dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Ujeedka Xildhibaanadan ayaa waxay tahay u kuurgelida xaaladda ay ku nool yihiin dadkii billo ka hor ka soo barakacay dagaaladii deegaanka Xananbuure, kuwaas oo halkaas deegaansanaya.

Dadka soo barakacay oo hadda ku sugan Kaam lagu magacaabo Nugul oo ku yaalo inta u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Xananbuure ayaa wajahaya xaalado adag oo dhan nolosha ah, kuwaas oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo,maadama lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa ku baaqay in dadkan dhibaataysan oo muddo ka maqnaa guryahooda la soo caawiyo.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in dadkani Duruufo ku qasabtay in ay Kaam galaan ayna u baahan yihiin Gurmad in loo sameeyo.

Deegaanka Xananbuure ayaa Dadkii deganaa waxaa saameeyey Dagaaladii Billa ka hor ka dhacay walina waxa ay ku sugan yihiin Meelihii ay gabaadsadeen, waxaana socanaya Xal u u helida colaadaas Dadka ay saamaysay.