ururka Iskaashiga Islaamka oo Deeq raashin ah gaarsiiyay Gaalkacyo

Maamulka degmada Galkacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Deeqdan oo ka timid hey’adda Boqar Salmaan ee boqartooyada Sucuudi Carabiya  isla markaana magaalada Gaalkacyo ay soo gaarsiiyeen masuuliyiin ka socatay ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa waxaa ka faa’ideeystay ilaa sideed boqol oo qoys oo danyar ah kuwaas oo sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka dagmada Gaalkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi ay heysteen dhibaatooyin la xariira dhanka nolosha

Dr Axmed Faarax Muuse madaxa mashaariicda ururka iskaashiga islaamka ee OIC ayaa isna uga mahad celiyay maaamulka dagmada Gaalkacyo .