Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Tuunis kala hadlay iskaashiga labada dowladood

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq  Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Tuunis, Mudane Cismaan al-Jarandi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Tuunis  kaalinta fir-fircoon ee ay ka qaadaneyso difaacidda danaha Carabta iyo Afrika marka la joogo golaha ammaanka oo ay Tuunis ka tahay xubin aan joogto ahayn.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Tuunis ayaa sheegay in dalkiisu taageeraayo geedi socodka siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.